Muqdisho August 08,2012(SDN)- Ururka Midowga Afrika ayaa maanta sheegay inuu sii wadi doono taageerada iyo gacan ka geysashada howlaha nabadda ee Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diarra ayaa sheegay in ay ka go’an tahay howlaha lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad.
Wuxuu sheegay in ururka Midowga Afrika uu sii wadi doono la shaqeynta dowladda KMG ah ee Soomaaliya si loo abuuro jawi ku saleysan wada-hadal qaran iyo dib u heshiisiin.
Mr. Diarra ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay sii wadi doonaan qabsashada deegaanno hore leh, wuxuuna ugu baaqay hoggaanka Soomaalida in ay midoobaan oo danta qaranka ay ahmiyadda koowaad ka dhigaan.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada AMISOM ay kusii siqayaan deegaannada ay Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan Sh/hoose iyo Sh/dhexe.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com