Muqdisho August 08,2012(SDN)- Ra’iisul wasaare ku xiggeenka, ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda KMG ah Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay ku filan yihiin sugitaanka ammaanka xilliga lagu jiro doorashooyinka ka dhici doona dalka 20-ka August.
Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu sheegay in kalsooni ballaaran uu ku qabo Ciidamada qalabka sida oo uu sheegay in si wayn ay kaga hortageen Kooxda Al Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in Ciidanka mar waliba ay ka feejignaadaan Ururka Al-qaacidda.
“ Waxa weeye Ciidamada mar waliba dee way feejigan yihiin, waana ku fillanahaya xaqiijinta ammaanka xilliga ay dhacayso Doorshada dalka ee 20-ka August” sidaasi waxa yiri Wasiirka Gaashaandhigga ee DKMG ah.
Saraakiisha Dowladda ayaa dhankoodu sheegay inay waajib tahay inay ka hortagayaan wax waliba oo qal qal gallin kara ammaanka, iyagoo carabka ku dhuftay in marna aan ka seexan doonin ka hortagga dhibaatooyinka ay maleegaan Al Shabaab.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com