Kakuma Aug 09, 2012(SDN) Hal ruux ayaa ku geeriyooday, laba kalena way dhaawacmeen kaddib markii kooxo burcad ah ay weerareen xerada qaxootiga ee Kakuma ee ka tirsan (Countiga Turkana) ee galbeedka Kenya.
Weerarkani ayaa ka dhacay habeenimadii Isniinta hoy ay daganaayeen dad Soomaali ah oo qaxooti ku ah xerada Kakuma kadib markii koox looga shakisanyahay inay burcad ahaayeen jabsadeen gurigaasi.
Ku xigeenka Madax Poliska ee galbeedka Turkana David Nyabuto ayaa sheegay in koox hubaysan oo ka koobnaa afar ruux islamarkaana watay qoryaha AK 47 ay weerarkaasi ku fuliyeen guriga iyadoo halkaasi uu dhaawac halis ah ka soo gaaray laba nin oo ka mid ahaa dadkii guriga daganaa.
Mr David ayaa intaasi ku daray in labadii nin ee dhaawaca uu soo gaaray loola cararay cusbitalka Hay’ada IRC ee Xerada Kakuma si halkaasi loogu daweeyo.
Ku xigeenka Madaxa Police-ka ayaa intaasi ku daray in ninkii labaad ee isna uu dhaawac soo gaaray goor dambe laga soo saaray cusbitalka kaasi oo ay xaaladiisu wanaagsanayd.
SDN-Kakuma
Contact@somalidiasporanews.com