Macalin lagu dilay Baydhabo, Bay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Baydhabo Aug 09, 2012(SDN)    Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kooxo hubaysan ay dileen ni Macalin ahaa oo wax ka dhigi jiray Dugsiyada ku yaalla Magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Marxuum Max’ed  Macalin Nuurow uu ka mid ahaa dadka wax ka dhigi jiray Dugsiyada Waxbarasho ee ku yaalla degmada Dinsoor ee gobolka Bay.

“ Xaafadda Horseed ee gobolka Bay ayaa lagu toogtay, waxaa dilay 5-wiil oo dhalinyaro ahaa oo ku hubaysnaa Bastoolado, xilliga la dilay wuxuu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadda Taraawiixda” sidaasi waxa yiri Guddoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Bay ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shiine Macallin Nuurow oo la dhashay wiilka la dilay.

Ciidamo ka tirsan DKMG ah ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, inkastoo ay goobta isaga baxsadeen kooxaha gacan ku dhiiglayaasha ah, waxaana caddeyn sababta loo dilay ruuxaani iyo cidda ka dambeysa dilkiisa.

Dilka waxa uu qeyb ka yahay kuwa inta badan sida qorsheysan ugu dhaca gobolka Bay oo ay ku loolamayaan Al Shabaab iyo Dowladda KMG ah.

SDN-Baydhabo 

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>