Muqdisho Aug 09, 2012(SDN) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho dowladda ay ka gaartay horumar ballaaran oo la taaban karo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in horumarka dhanka ammaanka laga gaaray ay sababtay in dalka gudahiisa lagu qabto doorasho xor oo madaxbanaan islamarkaana dowladda cusub lagu soo dhiso.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in qof waliba rajo ay gasho islamarkaana uu u tartamo Madaxtinimada dalka, isagoo sheegay in dadka wax dooranaya ay yihiin barlamanka islamarkaana shacabka looga baahan yahay inay ku qancaan natiijada doorashooyinka.
Hadalka Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuxuu imaanaya xilli waqtiga loo qorsheeyay doorasho inay ka dhacdo dalka gudihiisa ay ka harsan tahay maalmo kooban oo kaliya.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com