Muqdisho Aug 09, 2012(SDN) Qaraxaani oo mid xooggan oo qasaaro gaystay ayaa Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya waxa lagula eegtay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Dad deegaanka ah oo la hadlay Website-ka qurbejoog.com ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid laga maqlay Xaafadda Suuqa Xoolaha islamarkaana xalay oo dhan ay maqlayeen rasaas xooggan oo ay furayeen Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Miino islamarkaana u haleelay gaari ay saarnaayeen Ciidamada Dowlada KMG ah islamarkaana ay ku geeriyoodeen 3-askari ku dhawaad 5-kalena ay ku dhaawacmeen.
“ Qaraxa waa la yaqaanaa Kooxihi nabad diidka ahaa ayaa kollay halkan ku aasay, 3-askari ayaa ku geeriyootay tiro kalena dhaawac ayaa soo gaaray, gaariga uu qaraxa haleelay waa Cabdi Bile” sidaasi waxa yiri ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya.
Jawiga ayaa iminka degan, wallow Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM saakay howlgallo ay ka wadaan Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir oo ah goobta xalay qaraxa Miino lagula eegtay Ciidamada Ethiopia.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com