Muqdisho Aug 09, 2012(SDN) Waxay ahaayeen banaanbaxayaal tageersanaa Ra’iisul wasarihii hore ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasi oo doonayay inay kusoo dhaweeyaan Magaalada Muqdisho.
Banbaanbaxaayasha oo isku fidiyay waddooyin badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen inay taageero buuxa u hayaan Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo sida qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ay shaaciyeen.
Dadka dibadbaxayay oo gaaray ugu dambeyntii wada sayidka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa is hor taagay dad ku labisan dareeska ciidanka DKMG Soomaaliya kuwaasi oo shacabka markii ay ka dhaga adeegeen amarkooda rasaas ku furay dadkii dibad baxayaasha ahaa sida ay xaqii jiyeen qaar kamid ah dibad baxayaasha.
Inta la’ogyahay 2-ruux ayaa ku geeriyooday 2-kalana waa ay ku dhaawacmeen rasaatasi kuwaasi oo dhaawacyadoodu loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.
Dad badan ayaa is waydiinaya in mar waliba la beegsado taageero yaasha Farmaajo, iyadoo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la dilo qof shacab ah oo dareenkiisa muujinaya.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com