Muqdisho Aug 09, 2012(SDN) Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday fariisimo Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Burundi ay ku leeyihin wadada Warshaha ee Magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn weerarka ayaa dhacay markii qoryaha laga tuuro garbaha iyo Madaafiic lagu garaacay fariisimo Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Burundi ay ku leeyihiin wadadaasi islamarkaana uu bilowday daqiiqado kaddib dagaal fool ka fool ah oo gaystay qasaaro nafeed iyo mid dhaawac ah.
“ Haa Madaafiic bay nagu suu tuureen cidna wa kuma noqon, haddee dadkay dhibayaan mooyee waxa awooda malahan, marka kooxo yar bay ahaayeen waana la ceyriyay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG ah.
Website-yada taageera Al Shabaab ayaa waxaa la soo saaray warar sheegaya in xalay dagaal xooggan ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada DKMG ah ay ku leeyihiin wadada Warshaha ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ay qasaaro gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.
Si kastaba u jeedka Al Shabaab ay ka leeyihiin dagaalka ayaa waxa uu yahay in Al Shabaab la ogaado in wali qas iyo jahwareer ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com