Diyaarado iyo Maraakiib duqeeyay Kismaayo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Aug 12, 2012(SDN)  Faah faahin dheeraad ayaa kasoo baxaysa duqeyn ka dhacday magaalada Kismaayo iyadoo uu Duqeymahas ay qasaaro xooggan kasoo gaartay Saraakiil sare oo ka tirsan AL Shabaab iyo dad shacab ah oo ku sugna gudaha Magaaladaasi sida ay sheegeen dad deegaanka ah.

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in duqeymo xooggan oo ay geysteen Diyaarado iyo maraakiib Dagaal ay xalay ka dhaceen Magaalada Kismaayo gudaheeda islamarkaana ay qasaaro xooggan kasoo gaartay saraakiil ka tirsanaa AL Shabaab oo uu ka mid ahaa  Ninkii u qaabilsanaa Al Shabaab magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Sheekh Xasan Yacquub.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Duqeymahaan ay gaysteen diyaarado dagaal oo ay leeyihiiin dowladda Kenya oo kaashanaya Maraakiib dagaal oo ku sugan Xeebaha Kismaayo, waxaana la sheegay in tiro gantaallo ay ku garaaceen  gudaha Magaalada.

Gantaalahaan ayaa qaarkood waxaa ay ku dhaceen guri ay daganaayen dad rayid ah waxaana mid ka mid ah uu ku dhacay guri ku yaalla Magaalada iyadoo ay qasaaro kasoo gaartay Qoyskii deganaa gurigaas oo la sheegay in gabi ahaanba ay geeriyoodeen.

Al Shabaab wali kama hadlin duqeymahaani, inkastoo saakay xaaladda ay tahay mid degan, waxaana duqeymahaani ay qeyb ka yihiin kuwa inta badan ka dhaca gudaha Magaaladaasi.

SDN-Kismaayo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>