Howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay, Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 12, 2012(SDN)  Howlgallo lagu soo qabtay tiro Dad ah ayaa Ciidamo ka tirsan DKMG waxa ay xalay ilaa shalay gallinkii dambe ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Waxaa ka qeyb qaadanayay howlgalka ciidamada Booliska, Nabad sugidda iyo kuwa Degmadaasi, waxaana ay kusoo qab qabteen tiro dad ah oo aan la shaacin sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada DKMG ah.

Inta badan dadka lasoo qab qabtay ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyaro kuwaasi oo lagu eedeeyay ku lug lahaan shaha qaraxyo iyo weeraro Degmadaasi ka dhacay.

Ciidamada howlgalka sameynayay ayaa guri guri iyo goobo bar tilmaameed ah ka sameynayeen iyadoo howlgalkana uu ahaa mid balaaran.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>