Howlgallo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyay Gaalkacyo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaalkacyo Aug 13, 2012(SDN) – Ciidamada Maamulka Puntand ayaa howlgallo ay sameeyeen waxa ay kusoo qab qabteen dad la sheegay inay falal ammaan darri ka wadeen gudaha Magaaladaasi.

Tirada Dadka ay Ciidamada ku soo qab qabteen ayaa ah 3 ruux, iyadoo ay ka soo Qabqabteen Xaafadda Garsoor  magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Howlgalkaani ay Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka Warbixiyay Taliyaha Ciidanka Jaamac Maxamed Axmed oo sheegay in Dadka Howlgalka lagu soo  qabtay looga Shakiyay dilal iyoi falal ammaan darri oo ka dhaca gudaha Magaaladaasi.

Taliyaha ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in 2 Nin oo lagu Dilay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ay Ahaayeen rag ka soo Jeeday magaalada Laascaanood, iyadoo uu sheegay in ay magaalada Laascaanood ka jiraan Dilal Aargoosi Qabiil, waxaa uu sheegay in 2 Ruux laga yaabo in loo dilay Aargoosi Qabiil.

Gaalkacyo mararka qaar waxa ka dhaca falal ammaan darri oo ka dhan ah Mas’uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Galmudug.

SDN-Gaalkacyo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>