Nairobi Aug 13, 2012(SDN) – War lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen tiro ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Uganda kuwaasi oo la qorsheeyay inay soo gaaraan Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Felix Kulayigye ayaa sheegay in diyaaradahaan oo ah nuuca qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka maalintii Axaddii ee shalay laga waayay hawada dalka Kenya.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Felix Kulayigye waxa uu intaasi ku daray in diyaaradaha la qorsheeyay inay shidaal kasii qaataan degmada Wajeer ee Dalka Kenya kadibna ay usii gudbaan Soomaaliya, hase yeeshee Wajeer waxaa soo gaartay hal diyaarad oo keliya intii kalena waa la waayey.
“Ilaa iyo hadda garan mayno waxa ku dhacay diyaaradahii kale iyo meel ay aadeen, waxaan ku jirnaa baadi goob, waa arrin la yaab leh, hal diyaarad ayaa timid Wajeer” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Uganda Felix Kulayigye mar uu la hadlaayey wakaalada warar ee Reuters.
Dhanka kale Dowladda Uganda ilaa iyo hadda ma caddayn tirada diyaaradaha la waayey ee maqan, balse Afhayeenka Ciidamada Uganda Felix Kulayigye waxa uu shaaciyey inay ka badan yihiin labo diyaaradood oo Helicopters ah.
Dowladda Uganda ayaa dhowaan shaacisay inay Soomaaliya usoo dirayso qaar ka mid ah Ciidamadeeda cirka oo wata diyaaradaha dagaalka si ay uga qayb galaan sugidda amniga inta lagu guda jiro doorashada dhacaysa 20-ka August
SDN-Nairobi
Contact@somalidiasporanews.com