Wariye kale oo lagu dilay Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 13,2012(SDN)- Waxaa xalay maqribkii Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid lagu dilay wariye Maxamed Cali Buneyste oo ka mid ahaa Saxafiyiinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegayaa in Wariyaha la dilay uu ku geeriyooday rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda ka tirsan oo ka shakiyey, halka Warar qaarna ay sheegayaan in si ula kac ah loo dilay wariyaha.

Wariyaha la dilay ayaa waxaa u dhawan kasoo laabtay wadanka dibadiisa gaar ahaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Allaha u naxariistee wariye Maxamed Cali Buneyste ayaa waxaa uu horay uga soo shaqeeyan jiray Idaacadda VOD ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa xusidmudan in shalay Muqdisho lagu dilay Yuusuf Cali Cusmaan Fareey oo ahaa saxafi rug caddaa ah.oo si aad looga yaqaanay Soomaaliya.

Waa Wariyihii labaad oo mudo 24 saac gudood ah Muqdisho.lagu dilo.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>