London 14, August 2012 (SDN)- Sida lagu qoray wargeyska Daily Mail oo kasoo baxa waddanka Ingiriiska Xarakadda Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta ayaa caruur yar yar oo ay qafaasheen ay u adeegsadaan falalka ay ka mid yihiin is qaraxinta.
Wargeyskaan oo soo xiganaya qubaro iyo saraakiil ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM, tiro badan oo caruur ah oo Shababku ka qafaasheen xaafadooda iyo goobo ay wax ka baraneeyn ay ka dhaadhiciyaan caruurta inay is qarxiyaan si ay Janno u galaan.
Neil Doyle waxaa uu ka mid yahay saraakiisha la dagaalanka waxa argagixisada loogu yeero ee dalka Ingiriiska, waxaana uu u sheegay wargeyska warbixintaan qoray ee Daily Mail in dagaalyahannada Shabaab ay ku jiraan caruur yar oo ka qeyb qaata dagaalada.
Saraakiisha uu soo xogtay Wargeyska ayaa sheegay in Al Shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ay Caruurta yaryarka ah ka dhaadhiciyeen inay is qarxiyaan.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheega in hawlgallo Muqdisho laga sameeyay ay ciidamadu ku heleen tiro caruur ah oo lugaha ka k atiinadaysan oo sida la sheegay Shababku damacsanaayeen inay u diraan inay fuliyaan weeraro is qarxin ah.
Caruurta la helay oo 7 ka koobnaa ayaa wargeysku ku waramayaa inay da’doodu ka yareyd 10 sano jirro.
SDN-London
Contact@somalidiasporanews.com