AMISOM oo ka warbixisay Ciidamada ku sugan Baydhabo iyo Baladweyne

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho 14, August 2012 (SDN)- Afhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa wuxuu ka hadlay qorshe la doonayo in ciidamada Jabuuti ay la wareegeen fariisamaha ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin Beladweyne.

“ waa diyaar Ciidamadii la wareegi lahaa fariisimooyinka ay iminka ku sugan yihiin Cidamada Ethiopia, laakiin wali howsha iyo qorshaha ayaa socda, waana lasoo gaba gabeyn doonaa” sidaasi waxa yiri Afhayeenka AMISOM.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu ka warbixiyo tirada Ciidamada Jabuutiyaanka ah ee  u sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa ka hadlay ciidamadii dhawaan la wareegay fariisimo ciidamada Ethiopia ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, wuxuuna sheegay in ciidamo badan oo AMISOM ah  la gaarsiiyay halkaasi,hadii loo baahdana la dhameystiri doono sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa dhawaan la wareegay fariisimo ku yaala magaalada Baydhabo kuwaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Ethiopia ,iyadoo ay jiraan qorshe ku aadan in ciidamada AMISOM ay la wareegaan ammaanka Beladweyne.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>