Muqdisho 14, August 2012 (SDN)- Dhaq dhaqaaqo ganacsi oo aad u xooggan islamarkaana loogu diyaar garoobayo Ciiddul Fidriga ayaa waxa ay ka soconayaa Suuqyada ugu waaweyn Magalaada Muqdisho.
Xilli ay foodda nagu soo hayso Munaasabadda Ciiddul Fidriga, ayaa diyaar garow kii ugu xoogganaa oo loogu diyaargaroobayo Ciiddul Fidriga waxa uu ka soconayaa Suuuqayada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho.
Goobaha ay sida aadka ah diyaar garowgu uu uga soconayo ayaa waxaa kamid ah suqayada: Bakaaraha, X/weyne, Madiina iyo suuqayada kale ee degmooyinka ku yaalla, waxaana dadku ay ku mashquulsan yihiin iibsashada waxyaabaha muhiimka u ah ciidda.
Marka aad dhax qaaddo suuqyada ayaa waxa ay indhahaagu qabanayaan Hooyooyin Caruurtooda gacmaha haysta oo doonaya in ay u soo iibiyaan agabyada Maalinta Ciidda loogu talgalay sida Dharka,Kabaha iyo waxayaabaha ay Caruurtu ku ciyaaraan Maalintaasi oo ay ka mid yihiin Buufinada,Bistooladaha Caruurtu ay ku ciyaaraan iyo waxyaabaha iyo Caruurtoodu jecelyihiin.
Dhaq dhaqaaqyadani ganacsi ee loogu diyaar garoobayo Ciiddul Fidriga ayaa waxa ay imaanaayaan xilli dhowr maalmood ay inaga xigto Ciidda, waxaana jirta in maalintaasi ay tahay maalin farxadeed.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com