Beelo ku dagaalamay Jubbada hoose

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hosingo 15, August 2012 (SDN)- Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal beeleedyo khasaare nafeed geystay.

Dagaalada ayaa ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Hosingo ee Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose, dagaaladaasi waxaa ka dhashay khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, iyadoo ay ku dhinteen dad gaaraya 3-ruux.

Dhanka kale waxgarad Muqdisho ku sugan oo kasoo jeedaa deegaanada lagu dagaalamay ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalka Hosingoow.

Dagaal beeleedyada khasaaraha geysta kuma cusba Soomaaliya, laakiin dagaalka Hosingo ayaa kusoo aaday xilli xiisado kale oo ah dagaalo dhanka siyaasadda ku salaysan ay ka taagan yihiin gobolada Jubbooyinka.

SDN-Hosingo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>