Maraakiib mar kale gantaallo ku garaacday Kismaayo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo 15, August 2012 (SDN)-  Sida ay sheegayaan dadka ku dhan Magaalada Kismaayo ee xarungta Gobalka Jubbada hoose,waxaa maanta mar kale Maraakiib dagaal ay duqeymo ka geysteen Magaalada Xeebeedka Kismaayo ee Gobalka Jubbada hoose halkaasi oo la sheegayo inuu qasaaro ka dhashay.

Dhowr gantaal ayaa dad deegaanka ah ay soo warinayaan in ay kusoo dhaceen duleedka Magaalada Kismaayo,waxaana maraakiib dagaal ay kasoo duqeeyeen dhanka xeebaha Magaalada,waxaana warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan meelaha ay ku dhaceen gantaalada lagu qaraacay Magaalada.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in gantaalada oo qiyaas ahaan gaarayay ilaa iyo 4- ay ku dhaceen fariisin dagaalyahanno ka tirsan shabaab ay ku leeyihiin duleedka Magaalada,warar kale oo kuwaasi ka duwanna waxaa ay sheegayaan iney ku dhaceen gantaalada goobo ay degan yihiin dad rayid ah.

Qasaaraha ayaa aad u adag in la ogaado,waxaan warar qaar ay sheegayaan in duqeynta dhaawac uu kasoo gaaray hal qof oo rayid ah,hase ahatee meesha gantaalada ay ku dhaceen waxaa markiiba gaaray dagaalyahanno ka tirsan kooxda Shabaab oo goobta u diidey dadweynaha iney ka ag-dhowaadaan.

Maalmao ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale maraakiib dagaal Magaalada Kismaayo ay duqeymo ka geysteen, qasaaro xooganna kasoo gaartay dad rayid ah oo ana waxba galabsan.

SDN-Kismaayo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>