Xagle-Toosiye aragnee waxaa hadhay Buuhoodle-Toosiye!!!
Waxaa laga warqabaa in wafti uu hogaaminayo Saleebaan Ciise Kaar(Xagle-Toosiye) lagu soo dhaweeyey dalka isagoo ujeedada arintani ahayd nabad waarta oo laga hirgaliyo gobolka, gaar ahaan gobolada Bari ee uu ka talin jiray Sool-Sanaag iyo Cayn, wuxuu Xagle-Toosiye shardi ka dhigay in ciidamadda laga saaro iyo in maxaabiis todobaataneeyo ah loo sii daayo iyadoon hal shardi oo muuqda aan lagu xidhin isaga.
Bal candhona waa xubine maxaa shardi looga dhigi waayay in BUUHOODLE UU CALANKA SOMALILAND KA TAAGO?.
Shardiga aan aadka ula yaabay ee iminkana natiijadiisii la hayaa waa kan odhanaya “CIIDAMADA HALAGA SAARO MEELAHA AY DAGAN YIHIIN” iyagoo ku afobaadsanaya “CIIDAMADU DADKA DEEGAANKA AYAY DHIB KU HAYAAAN OO BIYIHII AYAA LAGA CABI KARI LA’YAHAY”!!. Bal adba caqlaad leedayahaye maxay dhib ugu hayn waayeen kuwo Hargeisa, Burco ilaa Somaliland oo dhan jooga oo magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex dawaafaya ee kuwo Sool-joogto iyo maygaagle dhibkan ku kaliyeeyey ee ay magaalooyinka kale ula arki waayeen.
Hadaba, waxay su’aashu tahay arintaa dhex martay Xukuumadda iyo Xagle-Toosiye Malaga faa’iiday mise waa lagu khasaaray??!!.
Jawaabtu way cadday oo waxaa xaqiiq ah inay xukuumaddu ku fashilantay talaabadaa ay qaaday waayo waxaynu aragnaa durba natiijadiisu inay noqotay:
Hadaba, aaway nabadii Xagle-Toosiye siday?? Sowkan maantaba xoolo-dhaqatadii afduubay ee ku dalbanaya intii il le’eg dee taana ha loo yeelo, IYO KUWO KA SII DARAN OO AH IN ARGAGIXISADII LOO SII DAAYO.
TALO BIXIN:
WAXAAN KU TALINAYAA TALLAABADA AY XUKUUMADDU QAADAYSO HA KA FIIRSATO INTAYNA KU DHAQAAQIN OO WALIBA SII SAADAALISAA WAXA KA IMAN KARA, WAAYO HORAA LOO YIDHI “ KA FIIRSO INTAANAD FALIN”
WABILAAHI TAWFIIQ
C/LAAHI ADAM CAABI.