Nairobi 15, August 2012 (SDN)- Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan dhibaatada ka dhalan karta dagaal si toos ah looga qaado Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Mark Bowdan oo ah u qaabilsanaha Qaramada midoobay arrimaha Bini’aadanimada ee Soomaaliya ayaa ka digay saameynta ay shacabka ku yeeshaan dagaalka la qorsheynayo in lagu qaado Magaalada dekadda leh ee Kismaayo.
Mas’uulkaani ayaa sheegay in uu a si weyn uga walaacsanahay wararka ku aadan in dad rayid ah ay ku dhinteen weeraro dhanka cirka iyo bada ah oo lagu qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolada Jubooyinka.
“Waxaan dhamaanba dhinacyada u sheegayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo waxyeelo u keeni kara dadka shacabka, waana in la fududeeyaa hawlaha gargaarka si loo gaarsiiyo dadku gargaarka ay u baahan yihiin” ayuu yiri Mark Bowdan oo ah u qaabilsanaha Qaramada midoobay gargaarka Bini’aadanimada.
Hadalka QM ayaa ka dambeeyay kaddib weerar ka dhacay magaalada Kismaayo kaas oo lagu waxyeeleeyay dad shacab ah kuwaas oo ku sugnaa aqaladooda.
SDN-Nairobi
Contact@somalidiasporanews.com