Kismaayo 15, August 2012 (SDN)- iidamada Raaskambooni iyo Al Shabaab ayaa dagaal qasaaro gaystay waxa uu ku dhexmaray xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Maxamed Ibraahim Faarax oo ah Guddoomiyaha Raaskaambooni ee deegaannada ku yaalla xadka uu Gobolka Jubbada Hoose la wadaago Kenya ayaa sheegay in uu dhacay iska horimaadka
Maxamed Ibraahim Faarax waxa uu sheegay in ciidamadoodu ay weerar ku qaadeen deegaan ugu yaraan 15-KM gudaha uga jira Kenya halkaasi oo sida uu sheegay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay isku urursanaayeen.
Dhanka khasaaraha ayaa waxa uu sheegay inay halkaasi ku dileen saddex ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro kale, dhankooda waxa uu sheegay in uusan kasoo gaarin wax khasaare ah.
Waa markii ugu horaysay oo muddooyinkaan Al-Shabaab iyo Raaskaambooni ay ku dagaalamaan gudaha Kenya, labada dhinac ayaa horay ugu soo dagaalamay gobolada Jubbooyinka.
SDN-Kismaayo
Contact@somalidiasporanews.com