Dagaalo ka dhacay Gedo iyo Bakool

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Xudur  Aug 16,2012(SDN)  Dagaalkani oo ahaa mid culus ayaa wuxuu dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay degmada xudur ee Gobalka Bakool halkaasi oo weerar ay ku qaadeen ciidamada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamada Ururka Al-Shabaab, hase ahaatee ay iska caabiyeen.

Saraakiisha dowladda ka tirsan sidoo kale waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay ka gaareen guulo la taaban karo inkastoo aan la xaqiijin karin guulaha ay sheeganayaan.

dagaal kale ayaa wuxu ka dhacay deegaan lagu magacaabo faxfaxdhuun oo ka tirsan Gobalka Gedo halkaasi oo ay isku farasaareen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa dowladda oo taageera ka helaya kuwa Itoobiya.

Lama oga qasaaraha ka dhashay, iyadoo dhanka Al-Shabaab ilaa hada aan kasoo bixin wax war ah.

SDN-Xudur

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>