Sh. Shariif: Wax wax waliba waqtigooda halagu dhameeyo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 16,2012(SDN) Madaxweynaha Dowladda Federalka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in wax waliba loo baahan yahay in lagu dhameeyo waqtigooda.

Iyadoo 20-ka Bishan lagu madlan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho Madaxtinimo islamarkaana 20-August ay ka dhiman tahay muddo afar cisho ah ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wax waliba waqtigooda lagu dhameeyo.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in isbedel uu dhaco islamarkaana dowladda ay ku dadaalayso in labaatanka Augusta waxwaliba ay dhacaan.

“ Waxaa lagama maarmaan ah in wax waliba waqtigooda la dhameeyo, oo lasoo gaba gabeeyo, sidaasi ayaan ku talinaynaa” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxda dowladda ayaa waxa ay ku celcelinayaan in 20-August ay wax waliba dhacayaan,  waxaana muuqata in weli xitaa aan lasoo dhameyn liiska cusub ee xildhibaanada baarlamaanka soo socda kamid noqonaya, inksatoo Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ay sheegeen inay soo diyaar yihiin Xidhibaanada.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>