Kismaayo Aug 16,2012(SDN) Kadib markii shalay mar kale la duqeeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xarakada Shabaab oo ka dagaalanta qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Sheekh C/qaadir Cali Muumin oo ka Mid ah saraakiisha Al shabaab ayaa mar uu la hadlayay Warbaahinta Al Shabaab waxaa uu sheegay in uu marka hore aad u cambareynayo duqeynta ay shacabku wax ku noqdeen ee Kismaayo loo geestay waxaa uuna ugu baaqay dadka reer Kismaayo in ay u istaagaan dagaal ay la galan cadawga duqeynta ugeysanaya ,sida uu hadalka u dhigay.
“Muddo badan ayay soo socotay dadka loo geysanayo duqeynta, dhibaato ayay ku qabaan” sidaasi waxa yiri Sheekh C/qaadir.
Dowlada Kenya oo lagu eedeeyay in ay ka dambeyso duqeymaha Kismaayo ayaan iyadu wali ka hadlin duqeyntaasi, walina si rasmi ah looma cadeyn in ay Kenya ay duqeyntaas geysatay iyo in kale hase ahaatee duqeymaha nuucaan oo kale ah ayaa waxaa ay ku soo badanayeen gobolada Koofurta Soomaaliya.
SDN-Xudur
Contact@somalidiasporanews.com