Fax-faxdhuun Aug 17,2012(SDN) Ururka Al Shabaab ayaa qiray in dagaal Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ay kula galeen deegaanno ka tirsan Gedo uu qasaaro kasoo gaaray Ciidamadooda.
Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Cabdi Casiis Abuu muscab ayaa sheegay in dagaalo ka dhacay Degaanka faxfaxdhuun ay ku dileen Ciidamo Kenyan ah, dhankoodana ay kaga dhimatay 17 Askari 10 kalana ay ku dhaawacmeen.
“ Dad baa naga shahiiday, laakiin dagaalka maahan mid istaagay waana uu soo socon doonaa illaa dalka laga xoreeyo” sidaasi waxa yiri Afhayeenka Kooxda Al Shabaab ee dhinaca Ciidamada Abuu Muscab.
Dagaalo ka dhacay Deegaanka faxfaxdhuun ee Gobolka Gedo una dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-shabaab ayaa socday muddo saacado ku dhow,waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan
SDN-Fax-faxdhuun
Contact@somalidiasporanews.com