Cape town Aug 17, 2012(SDN) Inkabadan 30-qof ayaa geeriyootay tiro kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii booliska dalka Koofur Afrika ay rasaas ku fureen dad macdan qodayaal ah oo ku sugnaa gobolka Waqooyi Galbeed dalkaasi.
Saraakiil booliska ka tirsan ayaa war fidiyeenka u sheegay in boolisku ay rasaasta ku fureen dadkaasi kaddib markii ay dibad baxyo ka dhigayeen gobolkaasi maalintii Khamiista ee Shalay.
Taliska booliska Koofur Afrika ayaa tibaaxay in uu jiro baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameynayo dhacdadaani, waxaana ay intaasi ku dareen wax laga qaban doono dadka ku lug leh dhacdadani.
SDN-Cape town
Contact@somalidiasporanews.com