Muqdisho Aug 17, 2012(SDN) Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda KMG Soomaaliya C/laahi Goodax Bare ayaa sheegay in Madaxda Dowladda looga baahan yahay haddii ay magacaabayaan degmo amma Mas’uul dowladeed ay horkeenaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda KMG Sooamaliya.
C/laahi Goodax Bare ayaa waxa uu sheegay in wax waliba ay leeyihiin Nidaam islamarkaana loo baahan yahay in lagu dhaqmo.
Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxa uu ugu baaqay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka in haddii ay wax soo magacaabayso looga fadhiyo inay ka horkeento Golaha Wasiirada Xukuumadda, waxaana uu intaasi ku daray inay jiraan magacaabis badan oo ay sameeyeen Madaxda Dowladda, isagoo ku eedeeyay Wasaaradda arrimaha gudaha in arrimahaasi oo dhan aysan soo marin Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Hadalka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli uu gawaabis yahay waqtiga Dowladda
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com