Madaxweyne Shariif oo fariin cad u diray Golaha Wasiirada (Dhageyso)

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 17,2012(SDN) Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed in Golaha Wasiirada aysan xaq u laheyn inay ka hadlaan degmooyinka uu isagu Magacaabay.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in Golaha Wasiirada ay howl u taallo islamarkaana loo baahan yahay inay ku mashquulaan shaqadooda, hase ahaatee aan loo dirsan Xafiis kale sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in uu soo maray marxalado kala duwan, waligeedna la magacaabi jiray degmo, waxaana uu sheegay in xilligaani aan loo baahneyn in Golaha Wasiirada ay isku mashquuliyeen wax uu magacaabay Madaxweynaha.

Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif

Hadalka ayaa jawaab u ah war dhawaan kasoo baxay Golaha Wasiirada oo ku aaddanaa in magacaabistii Madaxweyne Shariif oo u magacaabay degmooyinka qaar gobolada dalka ay tahay mid uu ku fududaaday.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>