Qarax gil gilay Baladweyne, Hiiraan

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Baladweyne Aug 17,2012(SDN)  Warar naga soo gaaray magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday goob ay ku shirayeen Saraakiil ka  tirsan Ciidanka Dowladda KMG Soomaaliya.

Saraakiishaan qaraxa lala eegtay  ayaa ah kuwa hoggaaminaya ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan, waxaana la tilmaamay in qaraxa uu qasaaro kasoo gaaray Saraakiishaasi inkastoo aan la ogeyn tirada halka uu la egyahay qaraxaasi.

“ Maleeshiyaadkii nabad diidka ahaa ayaa qarax galiyay Magaalada, Nasiib wanag cidna wax kuma noqon, awalba sharwadayaal ayay ahaayeen” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Dad deegaanka ah ayaa saakay sheegay in qaraxa uu dhaliyay qasaaro, islamarkaan Ciidamada ay soo buuxdhaafiyeen goobtii uu xalay qaraxa ka dhacay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Kooxda Al Shaba boo ku aaddan qaraxaasi, iyadoo qaraxaani uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

SDN-Baladweyne

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>