Muqdisho Aug 19,2012(SDN)- Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa u Hambalyeeyay umadda islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed munaasabada ciida Fitriga awgeed.
Musharax Farmaajo ayaa umadda Soomaaliyeed u Rajeeyay Sanadkaan Sanadkisa kale in umada ka baxan dhibka hada ay ku jiraan isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ineey gacmaha is qabsadan oo ay iska kaashadan sidii dalkooda ay u hor marin lahaayeen.
Farmaajo wuxuu rajo ka muujiyay in is badal ka dhici doono dalka Soomaaliya wixii ka danbeeya August isagoo Sheegay in mihiim tahay in laga gudbo xiliga KMG.
Ugu Dambeyntii Ra’iisul Wasaarihi hore ayaa wuxuu sheegay in Waqtigaan la joogo ay tahay xiligii umada soomaaliyeed ay heli lahaayeen dowlad Rasmi ah.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com