Muqdisho Aug 20,2012 (SDN)- Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge Sheekh Cali Dheere oo la hadlay Idaacadda Afka Al Shabaab ku hadasha ee Andalus ayaa ku hanjabay inay dagaalada iyo weerarada xoojin doonaan inta lagu guda jiro Xilliga Doorashada, ayna isku dayi doonaan tallaabo kasta oo ay ku fashilin karaan Doorashada Madaxtinimada dalka.
Cali Dheere waxaa uu sheegay in habeen iyo maalinba ay u taagan yihiin sidii ay jab u gaarsiin lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga afrika ee AMISOM oo garab Millatari siiya, waxaana uu sheegay in ay carqaladayn doonaan Doorashada oo aysan ogolaan doonin in si nabad ah ay u qabsoonto.
Hanjabaadda Kooxda Al Shabaab waxaa ay imaanaysaa iyadoo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ay ka socoto qaban qaabo xooggan oo loogu jiro in la qabto Doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya, waxaana ku sugan in ka badan 45 Musharax oo doonaya in ay xilka ku guulaystaan.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com