Barlamanka cusub oo mar kale ku kulmaya Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 21,2012 (SDN)-  Xildhaabanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankoodi labaad ku yeelanayaan xarunta gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa yimid kaddib markii si rasmi ah maalintii shalay kulankooodi ugu horeeyay ay ku yeesheen Garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde halkaasi oo lagu dhaariyay mudanayaasha barlamanka cusub, iyadoo shir gudoon loogu doortay General Muuse Xasan oo ah mudanaha ugu da’da weyn barlamanka Soomaaliya kaasi oo shalay si KMG ah loogu doortay in uu noqdo sii hayaha xilka Guddoomiyaha Barlamanka.
General Muuse Xasan oo ka hadlay madasha kulanka uu ka furmay maalintii shalay ayaa shaaciyay in lagu kulmayo xarunta gaadiidka Booliska halkaasi oo ah goobihii loogu talo galay inay ka dhacaan doorashooyinka dalka .
Maanta oo ah maalintii Labaad oo ay kulmaan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in mudanayaasha barlamanka cusub ay kulankoodi labaad ay ku yeeshaan xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho iyadoona kulanka uu furmi doono 12-ka duhurnimo ee maanta .

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com
Xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay loo dhaariyay xilkooda islamarkaana waxa ay ku dhaarteen inay gudanayaan waajibaadka ay ku dhaarteen ee ah inay shacabka Soomaaliyeed uqabanayaan shaqo wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>