QM oo soo dhaweysay dhaarintii Xildhibaanada cusub
Muqdisho Aug 21,2012 (SDN)- Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Q.M ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud Qaramada Midoobay uu si weyn usoo dhaweynayo dhaarinta xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waana tallaabo weyn oo hore loo qaaday ayaa lagu yiri hadalka QM.
Warka QM ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed waxaana lagu sheeegay in Soomaaliya ay hada hayso wadadii xasiloonida nabada iyo dib u heshiisiinta waxaana hadalka lagu sheegay in maanta oo kale ay Soomaalidu sugeysay mudo 20 sano ah maantana la soo gaaray waqtigii Soomaaliya ay soo ceshan lahayd nabadii iyo kala danbeyntii.
Hadalka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheeegay in Qaramada Midoobay ay shacabka Soomaaliyeed u rajeyneyso nabad waarta oo ay ku naaloodaan.
Dhanka kale war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa lagu sheegay in Mareykanku soo dhaweynayo dhaarinta qaar kamid ah xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Warka oo uu saxaafada u aqriyay afhayeenka aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka Jay Carney ayaa lagu sheegay in Mareykanku uusan marna aqbali doonin in la carqaladeeyo dadaalka socda ee lagu doonayo in Soomaaliya dib ay lugaheeda isugu taagto.
Mareykanka ayaa si cad u sheegay in Mareykanku uu tallaabo ka qaadayo cid kasta oo ku dhaqaaqda falal lid ku ah nabad kusoo dabaalida wadanka Soomaaliya oo aan dowlad Dhexe oo shaqeysa lahayn tan iyo sanadkii 1990 markaas oo jabhado hubeysan ay xukunkii ka tureen dowladii jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Hadalka Qaramada midoobay iyo beesha caalamka ayaa kusoo beegmay xili ay wali magaalada Muqdisho ka socdaan dadaalka lagu doonayo in la soo dhameystiro xubnaha baarlamaan cusub Iyo soo dhisida dowlad cusub oo ay Soomaaliya yeelato oo aan ahayn kumeel gaar.