Puntland oo soo dhaweysay Xildhibaanada cusub

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Garoowe 22, August 2012 (SDN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi ayaa soo dhaweeyay soo magacaabida xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

C/rashiid Xersi ayaa sheegay in marka loo eego sida hada ay xaaladu tahay lagu tilmaami karo wax wanaagsan waa hadii si wanaagsna loo maamulo.

Wuxuu tilmaamay in hadii laga gudbayo isqabqabsiga uu yahay mid fiican oo lasoo dhaweyn karo.

Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed uu u rajeynayo inay helaan hogaan wanaagsan oo dalka wanaag ku dhaqi kara islamarkaana dhibaatada kasaari kara.

Maalin kahor ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo soo dooranaya guddoonka Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweynaha dalka.

Isbedelada ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu hambalyeeyay aduunka oo dhan marka la eego horumarada la gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>