Walxaha qarxa iyo dad lagu qab qabtay Gaalkacyo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaalkacyo 22, August 2012 (SDN)-Ciidamada Ammaanka ee magalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay Hub iyo Dadkii watay, kaddib markii ay a Howlgallo balaaran ay ka sameeyeen magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada hub ayay soo qabteen, waxaana Hubkaani ay Gacanta ku dhigeen Ciidamadaani la sheegay in ay ahyeen Walxa Qarxa, iyadoo ay Howlgaladaani ay Ciidamadu sameeyeen  ay ka Warbixiyeen Saraakiisha  Taliska  Booliska Puntland ee Gobolka Mudug.

Saraakiisaashi ayaa sheegay in uu Howlgalkani ahaa mid lagu Xaqiijinayo Ammaanka magaalada  Gaalkacyo, iyagoo sheegay in ay Gacanta kusoo dhigeen 5 Ruux iyo sidoo kale waxyaabo Qarxa oo ay Dadkaasi Wadeen.

Magaalada Gaalkacyo ayaa Maalmaahaani daambe ay ka jireen Dilal Qorsheysan oo lagu Beegsanayo Xubnaha Dowladda Puntland ka tirsan iyo Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee ka Howgala Magaladaa, iyadoo sidoo kale ay Dilalku loo Geysanayay Ganacsatada iyo Shacabkaba ku dhaqan Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>