Lamuu 23, August 2012 (SDN) Wararka laga helayo Deegaanka Lamu oo ku taalla sohdimaha ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegayaa in dad Soomaali ah halkaasi lagu dilay.
Dadka la dilay ayaa waxa ay gaarayaan 6-ruux oo Soomaali ah, iyadoo sidoo kale la dhawacay 3-kale.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in dadkaasi ay dileen islamarkaanaay isaga baxsaday goobtii lagu dilay dadkaasi sida ay ku waramayaa dad deegaanka ah.
Sababaha ka dambeysay in dadkaasi la dilo ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay tahay arrimo la xiriira aanooyin qabiil.
Kenya ayaa qorsheynaysa in deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ay ciidamo u diraan.