Galmudug: Ma u dul qaadaneyno Ajaaniib lagu haysto dhulkeena

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaalkacyo 23, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha maamulka Galmudug C/xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada Galmudug ay ugu dhaqaaqeen dhanka Magaalada Hobyo halkaasi oo ay ku sugan yihiin Burcada Badaha Soomaalida.

C/xasan Cawaale Qeybdiid ayaa wuxuu sheegay in maamulkiisa uusan aqbaleyn in deegaanada Galmudug lagu afduubto dad ajaanib ah islamarkaana aan lagu heysan karin.

Wuxuu sheegay in dhamaan kooxaha burcada uu fariin u marsiiyay warbaahinta taasi oo ku aadan inaysan dad afduub loo heysto aysan ku haysan karin deeganada uu ka arimiyo maamulkaasi, isagoo intaa hadalkiisa ku daray in cid waliba oo iska kaashanayaan la dagaalanka Burcada badaha ay soo dhaweynayaan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan wada hadalo u dhaxeeya Burcada badaha iyo sidoo kale odayaal deegaanka,isaga oo sheegay inuu rajeynayo inay wanaag kasoo baxaan.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamo uu wato Madaxweynaha Maamulka Galmudug ay u dhaqaaqeen dhanka Hobyo halkaasi oo kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay ku heystaan dad ajaanib ah oo ay madaxfurasho ka doonayaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>