Kismaayo oo qaali ka noqday Hilibka Waraabaha

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo 23, August 2012 (SDN)- Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in uu qaali ka noqday hilibka Waraabaha oo dhawaamba la sheegay in uu xalaal yahay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Qurbejoog.com ayaa  sheegay in maalmahaan magaalada uu kusii yaraanayo keenista hilibka waraabaha,laakiin waxaa uu xusay inuu qaali yahay subaga waraabaha sida uu sheegay.

Ugu horeyn mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sharaxaad ka bixinaya qiimaha kiilada hilibka ay ka joogto Magaaladasi Kismaayo.

Wuxuu sheegay in kiilada hilibka waraabaha markii hore ay ahaan jirtay $2 laakiin hada lagu kala iibsado 150-kun oo shillinka Soomaaliga ah.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in magaalada qaali ay ka noqotay seynta waraabaha sida uu xusay,waxaana uu sheegay in kiishkiiisa ay sii marayso lacag dhan inka badan 100 doolar, hadaba maxay tahay faa’idada ku jirto waa kan mar kale isaga oo sharaxayo.

Wuxuu sheegay inuu maqlay inay u wanaagsan tahay jinka iyo sidoo kale in raganimada ay wanaajiso

Sidoo kale waxa uu xusay in saliida waraabaha ay qaali ka tahay magaalada Kismaayo,waxaana uu ka sheekeynayaa qiimaha ay joogto iyo waxa ay kaga duwan tahay saliidaha kale ee laga dhaliyo xoolaha aan dhaqano.

Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay inay u wanaagsan tahay sida la sheegay saliida waraabaha sixirka iyo waxyaabo kale.

Marka laga yimaada hadalka uu Idaacadda Risaala u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka Kismaayo Haddana waxaan la sheekeysanay dad deegaan ahaan kasoo jeeda Kismaayo oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo dadkii ugu dambeeyay ee ka yimid magaalada,waxaana dhamaan ay noo xaqiijiyeen in magaalada lagu iibiyo hilibka waraabaha qiimo kororna uu jiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>