Xasan Daahir Aweys: Waxba nagama gallin Doorashooyinka Somaliya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo 23, August 2012 (SDN)- Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah  saraakiisha Xaarakada Al Shabaab ayaa waxaa uu ka hadlay Doorashooyinka la filayo in ay dalka gudahiisa ka dhacaan.

Xasaan daahir ayaa sheegay in ay Doorashooyinkaasi ay Al Shabaab aysan waxba ka galin, waxuuna tilmaamay in ay yihiin kuwa u dhacaya si xaq daro ah.

Sidoo kale waxaa uu Xasan Daahir sheegay in ay Dowladaha soo qaban qaabiya doorashooyinkaani ay yihiin kuwo ka leh dano gaar ah, isagoo hoosta ka xariiqay in la dooranayo ciddii danahooda fulineysa oo kaliya.

“ Waalalaha islaamka ahoow mar ayaan la wareegi doonaa guud ahaan dalka Soomaaliya oo aanu ka sameen doonaa dowlad islaami ah, waxaana idiin sheegayaa in aadan ka niyad jabin dagaalada jihaadka aah” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u waramayay waarbaahinada taageera Maamulka Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>