Nairobi Aug 24,2012(SDN)- Isagoo ka hadlaya geeridii ku timi ra’isil wasaarihii hore ee dalka Ethopia melez zenawe Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Kenya Faarax Macalin ayaa wuxuu sheegay in uu Caqabad uu ku ahaa Wadamada Geeska Afrika oo ay ugu horeyso Soomaaliya
Faarax Macalin ayaa sidoo kale sheegay in caqabadaha ay kasii kala daran yihiin sida wadamada Qaarada Africa ay u kala aadeyso sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu sheegay in caqabada koowaad ay soo wajihi jirtay Ummada Soomaaliyeed.
Faarax Macalin ayaa sidoo kale shegay in dhibka ugu weyn ee haatan ka taagan Dalka Soomaaliya uu sabab u ahaa R/wasaarihii geeridooday ee Dalka Ethiopia, isagoo sheegay in dhibaatooyin ay faro badan yihiin.
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Kenya ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya Qaraxyada ka dhacaya uu sabab ama horseed u ahaa R/wasaarihii Ethiopia,waxaana uu taas ku micneeyay markii ciidamadiisa ay soo galeen dalka Soomaaliya la bilaabay falalka is qarxinta ah.
Hadalka gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Kenya ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay madaxweynaha iyo gudoomiyihii Baarlamaanka ee waqtigooda dhamaaday ay saxiixeen buug tacsi ah oo laga furay safaaradda Ethiopia ee magaalada Muqdisho