Muqdisho Aug 24,2012(SDN)- Waxaa Faah faahin laga helayaa Markab xalay ku gubtay Dekedda Magaalada Boosaabo ee Xarunta Gobolka Bari , iyadoo Maamulka Puntland uu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha sababay gubashada Markab ku xirnaa Magaalada Boosaaso .
Wasiirka Gaadiidka Dekedaha iyo Badda Puntland iyo Ladagaalanka Burcad Badeedda Maxamed Siciid Raage ayaa sheegay in Markabka gubtay uu waday shidaal isla markaana gubashadiisa ay ka dambeysay kaddib markii Mashiinka hoose ee Markabka uu Dab qabsaday.
Maamulka Puntland waxaa uuu sheegay in ilaa iminka aan la Faah faahin karin Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay markabka Habeenimadii xalay ku gubtay Dekedda Magaalada Boosaabo.
Masuuliyiinka Maamulka waxaa ay sheegeen markii laga war helay Gubashada Markabka loo dhaqaajiyay dhanka Badda si loo damiyo Markabka laguna guuleystay.