Yaa u taagan qabashada xilka guddoomiye barlaman

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 24,2012(SDN)- Xildhibaan Cismaan Libaax oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Barlamanka Soomaaliya oo la hadlay tirada musharixiinta u taagan xilka gudoonka barlamanka Soomaaliya iyo inta isa soo diwaan gelisay soona dhamaystirtay sharuudaha looga baahan yahay.

Afhayeenka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda inay hayaan seddex musharax oo gudoonka baarlamaanka doonaysa kuwaasi oo uusan shaacin inay sharuudihii soo buuxiyeen,laakiin uu sheegay inay araajida soo gudbiyeen,sida uu shaaciyay.

Dhanka kale mar aan weydiinay sharuudaha ugu waaweynaa ee musharaxa laga doonayo uu sheegay inay tahay in musharaxa uu ka mid ahaadaa barlamanka Soomaaliya,waxaana uu ka hadlay qiimaha musharax kastaa laga doonayo.

Hadalka Afhayeenka guudiga doorashooyinka gudoonka barlamanka Cismaan Libaax ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay qaar ka mid ah xildhibaanada barlamanka ay ku dhaqaaqeen inay yihiin musharixiin u taagan xilka gudoonka barlamanka Soomaaliya.

Waxaana lagu balamay in la gudo gala doorashadaasi 26 bishaan oo ay ka harsan tahay labo maalin oo kaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>