Abaabul Ciidan oo ka jira Sh/hoose

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Afgooye Aug 25,2012(SDN)- Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobbolka Sh/ Hoose ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ay dhaqdhaaqyo ciidan ka wadaan deegaannada ay kaga sugan gobbolkaasi.

Ciidamadda ayaa la soo sheegayaa inay dhaqdhaaqayo ciidan ka wadaan gobbolka Sh/  Hoose, waxaana la hadal hayaa in ciidamadda sakaay ay qorsheynayaan inay u runqaansadaan deegaanno badan oo ay ka mid tahay Shalaanbood iyo deegaanno kale.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM uu qorshahooda yahay maanta oo Sabti ah inay gaaraan Magaalada Marka ee gobbolka Sh/ Hoose.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay saraakiisha ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM ayaanan inoo suurto gelin in qadka teleefoonka aan ku haleelno.

Magaalada Marka oo ah magaalo ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa in ciidmaadda Al-Shabaab iyo saraakiishooda ay faarujiyeen kuwaasi oo ku sii jeesaday dhanka Magaalada Baraawe halkaasi oo ay ku xooggan yihiin Xarakada Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>