Muqdisho Aug 25,2012(SDN)- Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG Cabdi Samad Macallin Max’ud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Afgooye inay joojiyaan mudaaharaadyada wata buuqa iyo qalalaasaha ee ka dhacaya gudaha degmadaasi.
Cabdi samad ayaa waxa uu tilmaamay in shacabka laga doonayo inay ka fogaadaan wax dhibaato abuuri kara, islamarkaana qal qal ku keeni kara ammaanka Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda KMG ah, haddii ay doonayaanna inay dhigaan banaanbaxyo lagama maarmaan ay tahay in lala socod siiyo Maamulka ka taliya gobolkaasi.
” Maamulka ka jira Sh/hoose waa mid kumeel gaar ah, marka hadii shacabka ay soo doortaan mid ay isku racansan yihiin waa loo dhaqan galinayaa” ayuu yiri Wasiirka
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii dambe ay banaanbaxyo ka dhashay qasaaro ay ka dhacayeen gudaha degmada Afgooye, taasi oo Mas’uuliyiinta dowladdu sheegeen inay qal qal gallin karto ammaanka gobolka Sh/hoose.