Maamulka Hiiraan oo wada dadaallo lagu horumarinayo gobolka

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Baladweyne Aug 25,2012(SDN)- Maamulka goboladda Hiiraan iyo Sh/ sare ayaa waxa uu sheegay inuu wado dadaalo uu ku doonayo inuu ku hormariyo gobbolka Hiiraan iyo kan Sh/ Sare oo dhawaan digreeto lagu shaaciyey xaruntiisuna tahay degmada Buulo-burde.

Guddoomiyaha maamulka gobbolada Hiiraan iyo Sh/sare C/Fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in Maamulkiisu uu wado qorsho uu ku doonayo inuu ku hormariyo gobboladasi.

C/Fitaax ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee goboladaasi ku dhaqan inay maamulka kala shaqeeyaan hormarinta labadaasi gobbol.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in labadaasi gobbol uu hormarinayo maamulkaasi, isagoo xusay in dhawaan ay gacanta ku dhigi doonaan deegaanada gobolka Sh/ sare ee dhawaan lagu mataaneeyey gobbolka Hiiran sidoo kalena laga soo gooyey isla gobbolkaasi.

Madaxweyne Shariif ayaa dhawaan waxa uu digreeto uu soo saaray ku sheegay in Hiiraan labo gobol loo qeybiyey islamarkaana gobolka Labaad loogu magac daray Sh/ Sare xaruntiisuna tahay degmada Buulo-Burde.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>