Baladweyne Aug 27,2012(SDN)- Wararka ka imaaanaya magaala Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal xooggan uu ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG iyo kuwo Ethiopia oo dhinac ah iyo Dagaalyahannada Al Shabaab.
Inta la ogyahay 4 qof ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib dagaal xoogan oo xalay xili dambe ka dhacay magalada Baladweyne sida ay xaqiijinayaan dadka degaanka ah.
Dadkaan geeriyooday oo gaaraya afar qof ayaa labo kamid ah ay ahayeen shacab ay guryahooda ugu tageen rasaastii ay isku adeegsanayeen labada dhinac halka labada kale ee geeroyotay la sheegay inay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaalamayay.
Dagaalkaan oo xalay ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa uu soconayay muddo saacado ah, iyadoo dagaalkaan uu yimid kaddib markiii dagaal yahanno ka tirsan Al Shabab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin magaalada Baladweyn iyagoo kala kulmay iska caabin xoogan.
Ma jiro wax war ah kasoo baxay dhinacyadii dagaalamay ee dagaalkaan xalay ku dhexmaray labada dhinac.