Doorashada Guddoonka barlamanka oo dhacaysa
Muqdisho Aug 28,2012(SDN)- Qaar kamid ah xubnaha Barlamanka cusub ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomidda doorashada Barlamanka cusub ee Soomaaliya oo lagu wado inay maanta dhacdo.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka cusub ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in rajada ku aadan qabsoomidda Doorashada maanta ay tahay mid wanaagsan.
Wuxuu sheegay xildhibaanka in mudanayaasha Barlamanka maanta lagu wargeliyay inay yimaadaan islamarkaana ujeedada ay tahay doorashada Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.
ugu dambeyn Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in qofka marka la dhaariyo uu qaadayo masuuliyad weyn islamarkaana looga baahan yahay waajibaadka uu ku dhaartay inuu kasoo baxo shacabka Soomaaliyeedna uu wax uqabto.
Naga filo Warar dheeraad ah