Muqdisho 28, August 2012 (SDN)- Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku guuleystay jagada Gudoomiyanimada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu tanaasulay Dr Cali Khaliif Galeyr.
Gudoomiyaha Cusub ayaa sheegay in uu aad ugu hambalyeeynaayo Musharaxa la tar-tamay Dr Cali Khaliif Galeyr uuna khudbadiisa soo jeedin doono dhamaadka howsha.
Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa ugu cad cadda qabshada xilka Guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo markii dambe uu ku guuleystay Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ay ku guulaystay in uu qabto xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Goobta ay doorsahada ka dhacday ee Xarunta Iskool Buluusiya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambasador Mahega.