Barlamanka Somaliya oo fadhi yeelan doona maalinta birri ah

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 29,2012(SDN)- Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay doortay guddoonka golaha shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah nasan doona berri oo Khamiis ahna waxay bilaabi doonaan qaban qaabada doorashada Madaxweynaha oo lagu wado inay dhacdo 5-ta Bisha September ee soo aadan.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ku dhawaaqay in mudanayaashu ay nasan doonaan maanta berrina oo Khamiis ahna ay bilaabi doonaan fadhigooda caadiga ah.
Jawaari ayaa intaasi ku daray in maanta ay saddexda masuul ee Baarlamaanka samayn doonaan qorshaha ay ku soconaayaan kulamada Baarlamaanka marka Khamiista berri ah la isugu soo laabto.
Sikastaba Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay ilaa xalay si rasmi ah u yeeshay guddoon dhamaystiran ayaa waxaa iminka hor yaalla qorsheynta doorashada Madaxweynaha oo ah mid siweyn indhaha loogu wad haayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>