Maamulka gobolka Banaadir oo qadaya Canshuuro

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho  Aug 29,2012(SDN)-  Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Max’ed Yuusuf oo maanta Muqdisho kula  hadlay  Warbaahinta ayaa uu ka dhawaajiyay si toos ah ay Maamulka gobolka u bilaabi doonaan Canshuur qaadis, sare loogu qaadayo bilicda gobolka.

Afhayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in maadaama gobolka uu bilaabay in uu bixiyo Adeegga bulshada sida Nadaafadda iyo waxyaabo kale oo la xiriira arrimaha bulshada kaddib Maamulka gobolka uu go’aan saday inay lacago Canshuuraad ah ay ka qaadaan dhamaan ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Max’ed Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in lacagaha laga ururinayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in iyagu dib wax badan loogu qaban doono, bilicda Magaaladana dib loogu soo celin doono sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ganacsatada qaarkood looga qaadaa lacago canshuuro ah oo aan hoostagin Maamulka gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn farqiga u dhaxeyn kara lacagaha hadda ganacsatada laga qaado iyo kuwa kale ee la doonayo in uu qaado Maamulka gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>